Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa si heer sare ah loogu soodhaweeyay Dagmada Gunagado ee Gobolka Jarar.

Dadwaynaha Dagmada Gunagado oo aad ufaraxsan ayaa waftiga JWXO kaga horyimid duleedka magaalada, halkaas oo caleemo qoyan iyo calanka JWXO lulayay.

Waftigan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, ayaa socdaal dheer kusoo maray jidka isku xidha Birqod iyo Gunagado, waxayna waftigu lasoo hadleen dadwaynaha kudhaqan Tuulooyinka udhaxeeya labada Dagmo.

Waftiga JWXO ee kujira socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha ayaa siwayn ulahadli doona shacabka kudhaqan Dagmada Gunagado, iyagoo socdaalkooda siiwadan doona hadii Alle Idmo.

Wixii kasoo kordha waftiga JWXO iyo shacabka Gunagado kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Gunagado.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay