Warar naga  soo gaadhay Xarunta dhexe ayaa  lagu xaqiijiyay in habeenkii xalay oo taariikhdu ku beegnayd  May 3, 2012 lagu qaadat  weerar  habeenimo mid ka mid ah xeryaha uu cadawgu ka dagan yahay  magaalada Qabri-dahar .

Ilo lagu kalsoon yahay  ayaa  u xaqiijiyay wariyaha ONA uga soo warama gudaha Q/dahare  in weerarkaas uu cadawga ka soo gaadhay khasaare balaadhan  oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhinaca kale waxaa jira dagaalo ka dhacay deegaamo ka tirsan dalka ogaadeenya iyadoo la weerarayo  fariisimooyinka cadawga ee uu ka dagan yahay dalka, waxaana dagaaladaas ka mid ahaa;

28/4/12 dagaal isugu jira weerar habeenimo iyo mid maalmeed oo lagu qaaday deegaanada kala ah Tarfa oo ka tirsan degmada Fiiq/Gunagado iyo  Qoriile ayaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  6 askar waxaana lagaga dhaawacay 5 kale

27/4/12 dagaalo ka kala dhacay Madheedh oo ka tirsan degmada Gunagado iyo Ina-kooshin oo ka tirsan degmada Garbo  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  3 askari waxaana lagaga dhaawacay 7 kale ,dagaalka

Hawlgalada ay wadaan cwxo ayaa maalmah waxa uu ku socday dardar hor leh gaar ahaan magaalooyinka waawayn  taas oo lagu fadhiisinayo  isgaadhsiinta dhulka ee cadawga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay