Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa Baarlamaanka dalka ku eedaysay in aysan wakhtigii loogu talagalay ku qabanaynin qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub.

Iyada oo khudbad toos ah ka jeedinaysa telefeshinka qaranka ayay sheegtay in ay garabtaagantay rabitaanka shacaba Britain. Dhaliisheedan ayaa ka cadhaysiiyay qaar ka mid ah xildhibaannada, waxayna ku baaqeen in ay xilka isaga dagto Theresa May.

Inkasta oo siddeed maalmood oo kali ah ay inaga xigto wakhtiga loo cayimay ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub ayay May waydiisatay masuuliyiinta Midawga Yurub in ay muddo aan badnayn u kordhiyaan wakhtiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay