Waxaa shir wayn oo si wanagsan loosoo agaasamay laguqabtay xafiiska Jaaliyada Ogadenya ee magaala madaxda Johannesburg 10kii bishan May 2011.

Shirka oo uu gudoominayey xoog hayha jaaliyadda Koonfur Afrika  hakgame Huud sheikh Cabdi ayaa waxaa loogu talagalay in lagu dhiso gudida fulinta ee urur hoosaadka dhalinyarada S. Ogadenya ee Koonfur Afrika. Shirkan oo ahaa mid inbadan la sugayay ayaa waxaa hawshiisa soo qaban qaabisay gudida jaaliyada Ogadenya qaybteeda gobolka Gauteng.

Shirka oo lagu furay wacdi diini ah ayaa ka dib lagu wareejiyay Xoghayaha ururka dhalinyarada iyo ardayda Ogadenya (OYSU) oo horay loogu magacaabay shir waynihii jaaliyada. Xoghayaha dhalinyarada ayaa wuxuu warbixin ka siiyay xubnaha jaaliyadda ujeedada shirka isagoo islamarkaana kubaraarujiyay xubnaha shirka ka sooqaybgalay ahmiyada uu yeeshay dhismaha ururka dhalinta iyo ardaydu.

Kadib warbixinadii ayaa waxaa la gudagalay dhismaha xubnaha gudida fulinta noqon doonta. Waxaa shirka lagu soo dhaweeyay mudene Mujaahid Sheikh Ibraahim Xoghayaha guud ee urur waynaha Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya oo kagala  qebqaatay shirka khadaka telohoneka. Xoghayaha guud ee ururku ayaa wuxuu warbixn dheer siiyay xubnaha shirka fadhiyay  wuxuuna  kula dardaarmay dhalinyarada iyo ardayda “ Hadal yar iyo Hawl badan”. Waxaa isagana lagu soo dhaweeyay  gudoomoyaha faraca Gauteng  oo hadal qiirale ka jeediyay goobta.

Gudigii fulinta ee la doortay ayaa durbaba gudagalay qorshaynta iyo dajinta hawlaha ay qaban doonaan waxayna  balanqaadeen inay ka soo dhalaalaan hawsha loo doortay.

Omar jigjiga – ONA/KA

 
 

3 Comments

  1. deeq says:

    guuuuuuuuul wilashan weaan wada garan waa rere jobeeg

  2. wiiljwxo says:

    shaqo wanaagsan iyo tallaabo horay ay u qaadeen weeye, OYSU S.Africa iyo jaaliyadaa reer ogadeeniya ee halkaas, halgamayaasha shaqad loo dhiibay allaah ha ku garab galo,

    guulaysta sii giijiya.

  3. Abdirahman says:

    SC.
    Reer johansburg way tooseen finely meeshan S.A aqoon uma lihi laakiin P.E ayaan inta badan arkaa oo dhaliyaro iyo jaaliyad ahaanba aan webka inta badan ku arko,reer johansburg ayaan leenahay guul iyo gobanimo Insh Allah guusheenu way dhowdahay ee dhankiina ka adkeeya una adkaysta.

    MINTID MIDNIMO ISKUTASGI GUUL.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay