Waxaa la ogyahay in Dalka  Ogadenya uu soo maray marxalado kala duwanaa oon halkan lagu soo koobi karin. Waxaa kamid ahaa dagaalo farabadan oo kasocon jiray mandiqadda kuwaasoo udhaxeeyay Guumayste iyo dadwaynaha oo kasoo horjeedsaday iyagoo diidanaa in xuquuqdooda lagu tunto. Muddo kabadan 60 sano waxaa si toos gacanta ugu hayay dawladihii kala duwanaa ee Itoobiya soo maray. Waxay madaxdii dalkaasi wada qirayaan inay gobolka kala kulmeen iska cabin joogto ah oo adag.

Waxaa si wayn caalamku ula socdaa kacdoonkii shacbiga ahaa ee uu Ururka ONLF hogaaminayay kaasoo dagaal gacan kahadal ah kula soo jiray Maamulkii TPLF  oo ahaa mid qaniinyo kulul!. Kadib waxaa yimid isbadal lama filaan ah oo saameeyay dhamaan dalka itoobiya. Waxaa jiray qowmiyado kala duwan oo dhamaan eed sheeganaya, sidaa darteed ayay qolo waliba doorkan isu diyaarisay inay ka faa’iideysato fursadaha miiska saaran. Ururka ONLF golihiisa dhexe iyo hogaanka sare ayaa isku raacay inay heshiis lagalaan Taliska cusub ee Itoobiya wax walbana lagu dhameeyo wadaxaajood. Labada dhinac ayuu mid waliba hada isku dayayaa inuu hirgaliyo qodobadii qalinka lagu duugay ee dhawrka ahaa.

Waxay jabhadu kujirtaa abaabul xoogan oo shacbiga loogu warbixnayo, dhanka kalana tashiga la is waydaarsanayo. Socdaalka Wufuudu wuu sii xoogeysanayaa maalimba maalinta ka dambeysa, dadkana mooraakiisu si wayn ayuu kor ugu sii kacayaa. Waxaa ugu dambeeya Wafdiga culus  ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Halganka  Adm- Maxamed Cumar Cismaan. Waxay wafdigu socdaal dheer ku marayaan dalka Ogadenya oy iyaga laftoodu ay u heelan yihiin inay ku lugeeyaan!. Wafdigan oo in mudo ah laga sugayay guud ahaan Gobolada Ogadenya ayay bulshadu ku indho,qabawsatay waxaana Muraayadaha la iska arko laga daawanayaa damaashaadka, farxadda iyo mashxaradda aan loo kala hadhin yar iyo waytoona!. Soo dhawayn aan horay loo arag ayay bulshadu ku qaabileysaa halgamayaashooda. Waxaa kamid ah waxyaalaha lagu marti soorayo Hilibka iyo Caanaha Geela oo ah kuwo lasiiyo cidii la jecelyahay!.

Wafdiga barakeysan ayaa iyagu dhankooda dadka ka waraabinaya marxaladii hore ee dalku soo maray iyo tan cusub labadaba. Waxay bixinayaan xog waran ay dadku uriyaaqeen oon cidna laga qarinaynin. Waxay wafdigu booqanayaan rugcadaayada sida gaarka  ah halganka isu garabtaagay ee dhibka badani kasoo gaadhay. Waxay sidoo kale booqanayaan Qubuuraha qaar kamid ah shuhadadii naftooda ku waayay difaaca karaamada dadkooda. Socdaalka barakeysan ee wafdiga ayay dad badani filayaan inuu waxbadan kusoo kordhin doono saaxada siyaasdda ee hada lamarayo. Wuxuu wafdigu wali dhex,mukhuuranayaa socdaal taariikhi ah oo si aad ah usoo jiitay indhaha bulshada gude iyo dibadba..

Waxay wafdigu aad ugu nuuxsanayeen hadafka halganka oo ah in la helo dhamaan xuquuqdii ay dadku lahaayeen, waxaa kale oy dadka usheegayeen in laga bixi doono dhafoor xumida, balse loo baahanyahay in lasii wado dadaalka halganka ee galay wajiga cusub. Waxaa kamid ahaa waxyaalaha dadka xiiso galiyay ee ay wafdigu soo hadal qaadayeen, in dadka ducafada ah iyo dhaawacyadu  ay yihiin kuwo qalbiga lagu hayo oon marna la ilaawi doonin  helina doonaan waxay mudanyihiin!.

SOCDAALKII WAFDIGA SARE, SAADAASHU SAY TIDHI-

HALGANKII SALDHIGAYOO, SUMADIISU WAA CAAN.

SABOOLNIMO KADHEEROO, WUU SAMAFALAAYAA-

SIKASTABA HA NOQOTEE, SAFARKAASI WAA GUUL!

Isku soo wada duuboo jabhada JWXO iyo shacabka ayaa lagu tilmaami karaa Ul & Diirkeed markii la fiiriyo sida ay quluubtoodu isugu soohantahay, waana inaan la ogolaanin inay fikrad cadow soo dhexgasho!.

 

Xaaji M/rashiid Aw Macalim

Qoraa madax banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay