War dagdag ah : War goor dhawayd naga soo gaadhay ogadeniya ee ayaa waxa uu sheegayaa war naxdin leh oo ku saabsan xasuuq balaadhan oo ay Ciidamada Wayaanuhu ka gaysteen meelo kala duwan oo Ogadenya ka mid ah,

Xasuuq wadareed oo ka dhacay deegaano ka tirsan dagmada Dh/madaw ee Gobalka Jarar ayay Maxaysatada Wayaanuhu ku dileen in ka badan 20 ruux oo rayyid ah, Dilkan arxan darada ah ayaa waxa uu kakala dhacay, Dhogsa, iyo degaanka qurqura oo kawada tirsan Dagmada Dh/madaw.

Warkan  ayaa xaqiijinaya in meesha la yidhaahdo Dhogsa ay Wayaanuhu ku xasuuqeen dad badan oo shacbi ah, waxaanan magacyadooda helay sided qof oo ka mid ah dadka halkasi Wayaanuhu ku laayay, waxa ayna kala yihiin.

01-  C/samad Cumar faalug.
02-  Xuseen Dheeg maxamed aar.
03-  Axmed aw-c/wahaab.
04-   Carab xaadir xaaji cumar.
05-  C/laahi xaadir xaaji cumar.
06-   Deeq yuuuf Ismaaciil.
07-  C/fataax Aw maxamed ismaaciil
08-   Mu’mina Maxmuud axmed.

Dilkan arxan darada ah ayaa waxa uu dhacay 07/05-2011,hase yeeshee dil-wadareedyo kale oo noocan ah ayaa waxa ay ka dhaceen deegaano kale oo isla Dh/madaw ka tirsan,

Xasuuqan ayaa waxa uu imanayaa kadib markii bishii hore ay ciidamada Wayaanuhu mushaharadii ka jareen shaqaalaha iyo dabaqoodhiga Dh/madaw, taasi oo ay sabab uga dhigeen in aanay  waxa ay nabad galyada oogu yeedhaan ka qayb qaadan, waxaana xilligaasi mushaharada laga jaray qof kasta shuruud lagaga dhigay inuu qoriga qaado oo ay ciidamada la hawl galaaan,

Faahfahainta  warkan naxdinta leh iyo waxii kasoo kordhaba kala socda ONA.
ONA

 
 

1 Comment

  1. wiiljwxo says:

    اللهم نصرك العاجل غير الآجل
    ilaahaw nooga hiili adaa awoodee

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay