Waxaa Magaalada Jarati ee Gobolka Afdheer kafurantay xaflad aad ubalaadhan oo ay isku arkayaan Shacabka Gobonimada jecel ee kudhaqan Dagmada Jarati iyo Madaxdooda hogaaminaysa halganka.

Xafladan oo si layaab leh ay usoo qaban qaabiyeen Mas’uuliyiinta Xafiiska JWXO ee magaalada Jarati ayaa loogu tala galay in lagu sharfo laguna soodhaweeyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kujiray socdaalka Shaqo ee Hayaanka Guusha.
Xaflada ayaa lagu wadaa in ay madaxda JWXO kajeediyaan Khudbado dhaxal gal ah, Isla markaana ay gudbiyaan fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal, taas oo ah barnaamijka JWXO ugu talagashay dhaqaajinta & dar-dar galinta hawlaha halgan ee Maanta Taagan.

Ugaasyada iyo Cuqaasha Magaalada Jarati oo shacabka ay xukumaan hogaaminaya ayaa Soo xaadiray safka hore ee Xaflada waxayna kahadli doonaan Madasha hadii Alle Idmo.
Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA / JARATI.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay