Xog Muhiima: Marinka Bar Bara & Wadada isku xidhi doonta Bara Bara ilaa Adis Ababa.
Waxaa in muddo ahba socda mashruuc Waddo isku xidhaya Berbra ilaa Addis Ababa. Mashruucan sida uu hadda u dhigan yahay waxaa ka mid ah in la dhiso wadda labadadhinac isku xidhaysa; In Dekedda berbera La balaadhiyo oo la dayactiro; in Airporka Berbera la gaarsiiyo heer caalami ah, in Airporka Hargaysa la dayactiro lana acasriyeeyo, in Jidka qaybta ku aadan Hargeisa loo diyaariyo habka ugu wanaagsan ee tirada badane Gawaarida aanay magaalada iyo isu socodkeeda wax ugu dhimin.
Waxaa kaloo mashruuca ka mid ah hagaajinta Jidda inta uu si marayo oo idil iyo casriyaynta habka canshuuradaha ee Xadka Togwajale iyo Jigjiga.
Guud ahaan Dekedda Berbera iyo Degaankaas Somaliyeed, muhimad wayn ayay u leeyihiin degaanka Somalida ee Itoobiya hoos yimaada (Ogaden). Ganacsiga ugu bada nee degaanka Somalidana wuxuu ku wajahan yahay am aka yimaada Berbera. Xoolaha ugu bada nee ka dhoofa dekaadaas asalkiisa wuu ka yimaadan dalkan. Sidoo kale badeecada ugu badanee degaanka Somalida timaadana waxay soo martaa Berbera. Marka Berbera muhimad uma laha keli ah Addis Ababa ee ganacsigeeda si gaar ah ayuu dalkeena muhimad ugu leeyahay.
Sidaas daraadeed waddo isku xidha degaankeena iyo Berbera muhimad gaar ah ayay noo leedahay. Hase yeeshee qaabka mashruucan loo habeeyay, waxaa cad inaan tixgalintii ay mudnayd aan la siin degaanka Somalida oo waddo noocaas ah ay saamayn wayn ku yeelan doonto. Saamayntaas oo ay ka mid yihiin:
In degaanka mashaariic horumarineed laga hirgaliyo way habboon tahay. Mashaariicdaas dhibkooda way wataan, laakiin waxaa daboola in dadka ay khusayso dhibaas wax ay ku badashaan inuu jiro. Dalkeena waxaa kui soo socda mashaariic badan oo ay ka mid yihiin dhuumaha shidaalka ee Jabuuti baa la gayn la leeyahay, Mashruuca Marinka Berbera, mashariic badan oo kale oo soo soctaa. Waxaa nasiib daro ah in waxaas oo mashaariic ah aanay talo ku lahayn dadka ay dalkooda ka hirgalyo, sidoo kale inaan xog ku filan la siinayn dadka ama ha noqoto dowlada Federalka ama degaanka. Adduunka marka mashriic waawayn dal laga hirgaliyo waxaa dhaqan ah:
Haddaba, waxaa nasiib daro ah in masuulinta Somalida ee heerarka kala duwan Somali uga matala Itoobiya, inay dadkooda la wadaagin xogaha mashaaariicda nolosha bulshada raadadka waawayn ku yeelanaya.
Xataa waxaa jirta tuhum in iyaga laftoodu aanay mararka qaar wax wayn ku dhaamin xogta mashaariicda qaar ka mid ah, haddii ay og yihiin aanay shacabkooda si cad (transparent ah ula socodsiinin).
Mashruucan marinka Berbera, in kastoo aan arkaynay madaxwaynaha dowlad degaanka oo Dhagax dhig ka qayb galaya maagalada Berbera, ma hayno meel dowlad degaanku ay dadkeeda ugu sheegayso saamaynta mashruucaas – khayr iyo sharba.
Warbaahinta degaankuna ma anan arag meel ay kaga hadlayso mashruuca noocaas ah oo muhimadaas u leh Somalida degaankan.
Waxaa sidoo kale arrimahan aan ka hadal wasiirada iyo xubnaha baarlaamka Heer federal oon dadkooda xaqiisa badana aan la arag goob ay ka difaacayaan maa kaga hadlayaan.
Haddii ay dadaal wadaana shacabka aan loo soo bandhigin oo aanay muuqan. Sidoo kale Xisbiga dalkeena xukuma ee hadda uun la unkago, hanaa la leeyahay dalkeenu xukumaa!
Waxaa kaloo dhaliishan wax ku leh Aqoonyahanka dalka u dhashay oo ay habboonayd inay mashaariicda nocan ah daraasado madaxbanaan ku sameeyaan dhinacbana ka eegaan oo dadkooda ay la wadaagaan.
Haddaba waxaa hadda dhamaan dowlad degaanka, waxgaradka, aqoonyahan, masuulinta dowladda federal noogu jira iyo Ururada siyaasiga ee dalka inaan arrimahan si dhab ah uga hawl-galno
Ugu dambayn dhammanteen waa inaan dhaqan u yeelano inaan si xor ah uga hadalno wax kastoo nolosha dadkeena samayna. Sidan oo kale Walaalaheen Somalida dhinaca kale waa inay ka hadlaan saamaynta wadadu ku leedahay degaanada ay marayso oy la xisaabtan maamulkooda Somaliland si togan (positive).
Qoraalkana kuma caaradayno in Jidadkaas la dhso ama lag afaa’iidaysto labada dhinacba, laakiin waa in dhammaan dadka ay khusayso ay kawada faa’iidaystaan, laakin waa in dhamman dadka ay khusayoo idil kawda faa’iidaystaan si mustaqbalka aan dhib u abuurmin.
Wixii ka soo kordha arrimahan waan idiin soo gudbin doonaa haddii Eebe idmo. Waxaan ka codsanaynaa dhamaan bulshada, khaasatan aqoonayahan waxa nolosha shacabkooda saamayna.
Xogta mashruucaan qayb ka mid a waxaad ka heli kartaan goobahan:
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.