Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee socdaalka Hayaanka Guusha kujira ayaa rugtiisa kubooqday Sayid Cabdiwahaab Sheekh Aadan oo kamid ah Culimada ugu magaca dheer guud ahaan gayiga Ogadenia.

Sayidka oo kamid ah ehelka dhaw ee Sayid Nuur Kaldha-yare ayaa xiligii adkaa si xoogan utaageeray halgankii xaqa ahaa ee lagu xoraynayay shacabka Soomaalida Ogadenia, wuxuuna Sayidku taageero maal iyo muruqba ah isugu daray shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Sayidka oo ah nin ay aad uxurmeeyaan dadka Soomaaliyeed ee Ogadenia kudhaqan, ayaa lagu xurmeeyay in waftiga JWXO ay gurigiisa ugu tagaan Kuna soosalaamaan.

Sayidka ayaa uduceeyay guud ahaan dalka Ogadenia iyo dadka kunool, wuxuuna rajeeyay in waxa aan doonayno laheli doono insha allaah, isagoo xusay in dadaalka lasii labanlaabo.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo Sayidka sifiican u salaamay una karaameeyay ayaa ka amba baxay Deegaanka Sayidka fadhiga u ah ee Fiidoole oo dhaca duleedka Tuulada Gudhis.

Tuuladiid.
ONA Fiidoole.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay