shir balaadhan oo si wayn usoo agaasimeen Jabhada ONLF ayaa lagu qabtay magaalada Adiss Ababa, waxaana kasoo wayb galay kumanaan dad ah oo kamida shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Adiss Ababa, Odayaasha, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxaa kale oo kasoo qayb galay masuuliyiin kamida Maamulka Magaalada Adiss Ababa oo hor kacaayay duqa mahaalada Adiss Ababa Ato Takele Uma.

Shirkan ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay masuuliyiinta ugu sar saraysa ee jabhada ONLF oo uu kamid yahya xoghayaha guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) Halgame Abdirahman sheekh Mahdi Maadeey iyo Madaxa Xafiiska Diplomacyada & Xidhiidhka Heer Faderal Halgame Hassan Macalin.

Shirkan ayaa waxaa si wayn looga hadlay xuquuqda Somalida ay ku lee dahay guud ahaanba Itoobiya waxaana diirada lagu saaray inay soomaalidu helaan xuquuq dhamaystiran haday noqoto magaalada Adiss ababa iyo haday noqoto xuquuqda heer faderal somalida kaga maqan.

Waxaa qudbad ka jeediyay xoghaya guud ee JWXO Abdirahman Mahdi Maadeey asagoo carabka ku adkeeyay inayna ka tanaasulayn raadinta xuquuqda somaalida kaga maqan Itooobiya, waxaa kale ka hadlay maayarka Magaalada Adiss Ababa Ato Takele Uma wuxuuna sheegan in soomaalidu ay xaq u lee dahay inay helaan xuquuq dooda oo dhamaystiran dhan walba wuxuuna sheegay in ay u lee yihiin inay helaan xaqooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Adiss Ababa lagu qayb saday guryo kumanaan ah oo aan soomaalida waxba laga siin, shirka ayaa looga hadlay soomaalidu ay helaan shatiyada ganacsiga, guriyaynta, iyo arimo xuquuqaha ka maqan oo dhan.

Waxaa dhankiisa Ka hadlay Halgame Hassan Macalin Madaxa Xafiiska Diplomacyada & Xidhiidhka Heer Faderal asagoona adkeeyay in soomaalidu hesho xuquuqda ka maqan.

ONA/Adiss Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay