Waxaa si nabad ah kusoo dhamaatay xaflad aad uqurux badan oo Dhalinyarada Magaalada Dhagaxbuur ay uqabteen Madaxda JWXO ee booqashada kujooga magaalada Dhagaxbuur.

Xafladan oo ahayd mid siwayn looga soo shaqeeyay ayaa ka dhacday hoolka Shirarka ee magaalada Dhagaxbuur, waxaana hoolka siwayn usoo camiray dhalinyaro aad uxamaasadaysan oo kulabisan calanka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Madaxda JWXO ayaa ugu horaynba dhalinta uga xog waramay meesha laga yimid iyo meesha loosocdo, waxayna dhalinta kudhiiri galiyeen in ay amaanka kashaqeeyaan Isla markaana xaqooda si aan cabsi lahayn usoo dhacsadaan.

Dhalinta ayaa dhankooda Madaxda JWXO ee Hogaanka uhayay halganka ubalan qaaday in ay siwayn ulashaqaynayaan Isla markaana qaadanayaan go’aanada wanaagsan ee JWXO ay diyaatisay.

Kooxaha suugaanta ee OYSU iyo Midnimo ayaa dhankooda soobandhigay suugaan halgameed dhiiga bulshada kiciyay Isla markaana lajaan qaadaya waaqica lagu jiro.

Kulankii dhalinta Dhagaxbuur iyo Madaxda JWXO ayaa kusoo dhamaaday si nabad ah waxayna dhalintu madaxdooda usagootiyeen si wanaagsan.

Madaxda JWXO oo soodhamaystay socdaal bilqaatay ayaa kusii jeeda Magaalada Jigjiga, halkaas oo ahayd meeshii ay horaantii bishii hore kasoo kicitimeen.

Socdaalka Hayaanka Guusha.

Tuuladiid.
ONA Dhagaxbuur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay