Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ugu wareejisay xagiiskii Jabhada ee magaalada Addis Ababa.

Dowlada Federaalka ayaa saaka Xafiiska ku wareejisay Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO, Mudane Xassan Muxumed Ow-macalim, wuxuuna Gudoomiye Xassan si rasmi ah ula wareegay Xafiiska JWXO ee magaalada Addis Ababa.

Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee magaalada Addis Ababa ayaa laxidhay kadib markii dagaalku uu kaqarxay Wadanka Ogadenia, wuxuuna Xafiiska JWXO ee Addis Ababa, xidhnaa mudo 27 sano kabadan.

Arintan ayaa kadambaysay kadib markii Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu Amar kubixiyay in dib loofuro dhamaan xafiisyadii JWXO ee kuyaalay guud ahaan wadanka, kuwaas oo uu kujiray Xafiiskii JWXO ee Addis Ababa.

Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO mudane Xassan Macalim ayaa Wakaalada Wararka Ogadenia ONA usheegay in Maanta Lagu wareejiyay afiiska oo Isla hadaba ay bilaabatay qalabayntiisu.

Halgame Xassan Macalim ayaa intaas kudaray in furitaanka Xafiiska JWXO ee Addis Ababa ay kasoo qayb gali doonaan siyaasiyiin iyo dad magac kuleh bulshada, isagoo xusay in xiliga xaflada furitaanka lashaacin doono goor aan fogayn hadii Alle Idmo.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo dabayaaqadii sanadkii tagay heshiis nabadeed lasixiixatay Dowlada Itoobiya, ayaa kuhowlan furitaanka xafiisyadii JWXO ee guud ahaan wadanka Ogadenia, waxaana ilaa hada lafuray inta badan xarumihii Jabhada ee Gobolada iyo Dagmooyinka Wadanka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay