Koox hubeysan ayaa laba dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, waxayna sidoo kale toogasho ku dileen sarkaal boolis ah oo ilaalinayey.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa weriyey in booliska ay rumeysan yihiin in kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay afduubteen dhakhaatiirta.

Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dableyda oo watay laba baabuur oo Toyota ah ay joojiyeen baabuur siday dhakhaatiirta Cuban-ka ah iyo laba sarkaal oo la socotay, xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandheera.

Lama yaqaano xaaladda uu ku sugan yahay sarkaalka labaad ee booliska ah. Owino ma sheegin cidda fulisay weerarka. Hase yeeshee, kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kuwaas oo rayid iyo shaqaale amni lagu dilay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay