Bahda Warfaafinta JWXO ee kusugan magaalada Qabridahare ayaa makarafoonka la dhex qaaday qaar kamid ah wufuuda kaqayb galaysa Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Wufuudan oo magaalada Qabridahare maanta soogaadhay ayaa ka xog waramay goobihii ay kayimaadeen iyo sababta ay usoo socdaaleen.

Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle Halgame Cabdulaahi Maxamed Cadde (Cabdulaahi Fujur) ayaa sheegay in isaga iyo waftiga uu hogaaminayo ay galabta kasoo kicitimeen magaalada Godey, isagoo sheegay in ay uyimaadeen ka qayb galka Kalfadhiga Golaha Dhexe ee JWXO ee maalinta Bari ah kafurmidoona magaalada Qabridahare.

Marwo Xaliimo Shire oo kamid ahayd Waftigii Gobolka Doollo ayaa sheegtay in magaalada Wardheer ay uga soosocdaaleen kaqayb galka shirka Golaha Dhexe, kaas oo si rasmi ah loogu casuumay mas’uuliyiin kale oo wehelinayay.

Halgame Cabdulaahi Ugaas Maxamed Cumar Haaguf oo kamid ahaa aqoonyahankii kasoo qayb galay Shirkii 1992 ka dhacay magaalada Dirdhabe ee salka loogu dhigay maamulkii deegaanka ee JWXO ay hogaaminaysay oo kasoo socdaalay magaalada Jigjiga ayaa sheegay in aad uu ugu faraxsan yahay in uu markale kasoo qayb galo Shir danta umada lagaga hadlayo.

Cabdi-ilaah Ugaas Maxamuud oo kamid ahaa Xildhibaanadii 1993 dii go’aamiyay in dadka Soomaalida Ogadenia Afti laga qaado ayaa isna sheegay in uu aad uga faraxsan yahay kasoo qaybgalaka shirkan muhiimka ah oo lagu casuumay.

Wufuud aad ubadan oo kala duwan ayaa saacad kasta Soo gaadhaya magaalada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay, halkaas oo maalinta bari ah uu kafurmi doono kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO, kaas oo lagu marti qaaday dad magac iyo maamuus kuleh wadanka Ogadenia.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay