Waxaa si guul ah ku dhamaaday qaybtii 1aad ee Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaas oo saaka kafurmay hoolka Shirarka ee Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay.

Shirkan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen inta badan dadka ugu magaca wayn wadanka Ogadenia iyo waliba qaar kasocday dunida kale, ayaa maanta ubadnaa Khudbado ay soojeediyeen qaar kamid ah madaxdii shirka kasoo qayb gashay.

Madaxdii maanta khudbadaha muga leh Soo jeediyay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, Xoghayaha Guud ee JWXO mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi, wakiilka madaxwaynaha DDS Mustafe Muhumed Cumar, wakiil kasocday Ururka Sarda, wakiil kasocday Ururada OLF, Gimbot 7 iyo Siyaasiyiin kale.

Dhamaan madaxda hadashay ayaa dadka Soomaaliyeed ee Ogadenia kunool urajeeyay nabad iyo xoriyad, waxayna madaxdu kudheeraadeen Midnimada iyo ahmiyada ay leedahay.

Sidoo kale madaxda ayaa Dowlada Itoobiya uga mahad celiyay nabada Geeska Africa oo ay hormuud utahay, waxayna madaxdu Raysal-wasaaraha wadanka Itoobiya Abiya Axmed ka codsadeen in uu kadhabeeyo balan qaadkiisii iyo talaabooyinkii uu horay uqaaday.

Qaybta 2aad ee kulanka ayaa bilaaban doona galabta hadii Alle Idmo, waxaana galabta khudbado jeedin doona Madaxda Dhaqanka Soomaalida Ogadenia oo intooda badan ay kulanka fadhiyaan.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay