Waxaa goor dambe oo galabta ah guul kusoo dhamaaday Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo saaka kafurmay Magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay.

Shirka galabta oo ahaa qaybtii 2aad ee Kulanka ayaa lagu qaadaa dhigay umuuro waawayn, waxaana galabta Khudbado taariikhi ah jeediyay qaar kamid ah madaxda Dhaqanka ee wadanka Ogadenia.

Madaxda Dhaqanka oo ahaa kuwo aad umiisaan culus ayaa madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) siiyay takooyin aad ubadan, iyagoo qeexay wadada ay u arkaan in guul iyo hormar lagu gaadhi karo.

Madaxda Dhaqanka ayaa si midaysan usheegay in ay taageersan yihiin Isla markaana taageeri doonaan mowqafka JWXO ee ah Nabad, Hormar iyo xoriyad gaadhsiinta shacabka Soomaalida Ogadenia.

Hogaanka Dhaqanka ee shirka Kalfadhiga Golaha Dhexe ee JWXO kasoo qayb galay ayaa sheegay in madaxda JWXO ay ahaayeen kuwo shacabka ku hogaaminayay hilin toosan, waxayna Odayaashu sheegeen in ay uga dambaynayaan howlaha Siyaasada.

Kulanka oo baryaha fooda inagu soohaya siisocon doona hadii Alle Idmo kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay