Waxaa si nabad ah kusoo dhamaaday shirkii howl-wadeenka iyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo maanta ka qabsoomay guriga Martida ee Magaalada Qabridahare.

Kulankan oo ahaa mid aad muhiim u ah ayaa siwayn looga dooday qodobo masiiri ah, waxayna xubnuhu si hufan u qaadaa dhigeen qodob doodeedkii ay Madaxda JWXO soodhigeen.

Howl-wadeenka JWXO oo ah mishiinka ama awooda uu halganku kusocday ayaa madaxda lawadaagay habka ay doonayaan in wax loodhaqaajiyo.

Sidoo kale howl-wadeenka Jabhada ayaa madaxdooda kubogaadiyay hayaankii dheeraa iyo xiligii adkaa oo ay si geesi nimo leh usoo hogaamiyeen, waxayna howl-wadeenku sheegeen in wali loobaahan yahay dadaalkii ay shacabku u hayeen.

Dhinaca kale madaxda JWXO ayaa Kaadirka iyo howl-wadeenka Jabhada ku amaanay kaalintii dahabiga ahayd ee xiligii adkaa ay sooqaateen iyo sida ay hada usii wadaan howlaha halganka oo la’aantood aan lawadeen.

Intaas kadib madaxda iyo howl-wadeenka JWXO ayaa Isla gartay habka ladoonayo in howlaha halganka loosii wado si nabad ah, waxaana guul iyo is af garad kusoo dhamaaday kulankii maanta dhex maray madaxda Jabhada iyo howl-wadeenka JWXO.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay