Waxaa magaalada Addis Ababa maanta oo Axad ah kaqabsoomay Shir balaadhan oo ay yeesheen Xisbiga Cadaalada iyo Dimuqraadiyada Itoobiya, kaas oo kadiiwaan gashan Asxaabta ee qaran ee Itoobiya.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagu casuumay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) waxaana kaqayb galay Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal Mudane Xassan Muxumed Ow-macalim.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Dimuqraadiyada Itoobiya Cabdiqaadir Aadam oo kulanka furay ayaa siwayn ugu Mahad celiyay Madaxda JWXO iyo guud ahaan Ururka ONLf oo uu kutilmaamay kuwo bislaaday oo mudo dheer Soo halgamay.

Gudoomiye Cabdiqaadir Aadam ayaa sheegay in uu usoo bogay Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee JWXO ee Magaalada Qabridahare oo lagu casuumay, isagoo madaxda JWXO ka codsaday in ay ku caawiyaan khibradooda.

Dhinaca kale waxaa kulanka khudbad mug iyo miisaan leh kasoo jeediyay Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO mudane Xassan Macalim, wuxuuna ugu horaynba Gudoomiyuhu madaxda Xisbiga Cadaalada iyo Dimuqraadiyada ugudbiyay salaan uu kawaday madaxda JWXO.

Gudoomiye Xassan Macalim ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha xisbiga Cadaalada iyo Dimuqraadiyadu uu yahay mid hufan oo lagu qanci karo, isagoo xusay in ay JWXO diyaar utahay wadashaqayn iyo in ay kucaawiso wixii khibrad ah oo ay kudhaanto.

Gudoomiye Xassan ayaa sidoo kale sheegay in ay JWXO taageerayso isbadalada dalka kasocda, iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta Dimuqraadiyada.

Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO oo mudo dhaw lafuray ayaa umuuqda mid kaalin dahabi ah kaciyaaraya Siyaasada wadanka iyo isbadalada cusub, wuxuuna Xafiiska qabtay shaqo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaalida Ogadenia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay