Madaxda Dhaqanka ee Deegaanada BUUHOODLE oo Xafiiskiisa Ku Booqday Gudoomiyaha JWXO.

Kulan Balaadhan oo is xogwaraysi ah ayaa shalay Dhex maray oday dhaqameedka Boohoodle oo uu hogaaminayo Caaqil Ismaaciil Cabdullaahi Cumar(Camay) ooy wehelinayaan 7 Caaqil ookale iyo Madaxda ugu saraysa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenia JWXO.

Odayada beesha ayaa gudoomiyaha JWXO adm. Maxammad Cumar Cismaan ku booqday Xafiiskiisa Shaqada ee Magaalada Jijiga, halkaasoo xog waafi ah oo dhinacyo badan xambaarsan la iswaydaartay.

labada dhinac ayaa si mugleh isuala meeldhigay in laga wada qayb qato midnimada umadda somaliyeed iyo halganka ay JWXO hormuudka ka tahay.

Waxaa kaloo lagu heshiiyay in xubnaha ururka ee ka hawlgalo deegaanka buuhoodla lagu gacansiiyo hawlaha halganka ay ka wadaan halkaas.

Madax dhaqameedka oo si fur-furan oo gacaltooyo kamuuqato uga hadlayay madasha fadhiga ayaa ku dbeeraaday sida ay diyaarka ugu yihiin gacansiinta Halganka Ogadenia lagu xoraynayo & ku qanacsanaantooda Mabaa’adiida JWXO.

Xubnihii madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Garad c/risaaq garaad soofe, boqor c/laahi axmed dabagooye, garaad saleebaan buraale, caaqil ismaaci c/lahi cumar(camay), caaqil maxamed ismacil gurux, eng saleban cali cabdi, axmed cawil bacaluul iyo maxamed deeq xasan xundub, Dhamaantoodna waxay umahadceliyeen Gudoomiyaha Jwxo & halganka uu hormuudka kayahay.

Gabagabadii jawi farxadeed & dardaaran Shaqo ayuu ku idlaaday kulankii.

ONA / JIJIGA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay