Shir aad u balaadhan oo boqolaal Somali iyo oromo ah kasoo qayb galeen ayaa lagu qabtay magaalada Haadamo(Naziret) oo ah caasimadda qawmiyada oromada, Waxaa shir dhaqameedka gudoominayay labada madaxweyne ee qawmiyada somalida iyo oromada, waxaa kale ka qayb galay wafti JWXO ah oo ka kooban 12 xubnood oo gole dhexe ah waxay qayb ka ahaayeen marti sharafta shirka ka qayb galaysay.

Waxaa magaalada Naziret lagu qorxiyay boodhadh lagu qoray hadalo soo dhaweyn ah oo muujinaya inay labada shacab yihiin dad wada dhashay oo soo wada halgamay.

Waxaa ka hadlay shirka oday-dhaqameedka 2da qawmiyadood oo aad u soo dhaweeyey kulanka oo muujiyay inay deegaan iyo dhaqan iyo isirba ay wadaagaan oo midhihii halgankii dheeraa ay soo galeen uu noqday midkan uu shacabka oo idil ku noolaanayo, heeso wadani ah oo leh Somali iyo oromo waa walaalo ayaa labada afba lagu luuqaynayay.

Labada madaxweyne ayaa balan qaaday inay wax ka qabanayaan xasaradaha xuduudaha ka jira isla markaana ku dadaali doonaan in dadkii lasoo barakiciyay lagu celiyo guryahoodii kuwii la dhibaateeyayna la xaal marin hayo.

Afhayeenka JWXO Halgame Cadaani Hirmooge oo ka hadalay goobta ayaa sheegay in shacabka oromo laga sugaayo abaalkii Somali u gashay inay gudaan maanta, arintaasoo ay soo dhaweeyeen odayaashii iyo dhalinyaradii oromada ahaa ee shirka fadhiyay.

ONA/Naziret.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay