Waxaa kulankoodii caadiga ahaa magaalada Jigjiga kuqabsaday Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia, fariciisa magaalada Jigjiga.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa kasoo qayb galay madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo khudbado dhalinta ujeediyay.

Ugu horaynba waxaa kulanka furay Xoghayaha OYSU ee magaalada Jigjiga mudane Cabdulaahi cabdiqani, wuxuuna Xoghayuhu kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha OYSU ee Ogadenia halgame Cumar Sooya.

Mudane Cumar Sooya ayaa ugu horaynba dhalinta ku bogaadiyay wax qabadkoodii mudadii ay jireen wuxuuna Xoghayuhu kawarbixiyay qorshaha lagu balaadhinayo Ururka OYSU ee Ogadenia.

Dhinaca kale waxaa khudbad taariikhi ah dhalinta ujeediyay Xoghayaha Golaha Dhexe ee JWXO mudane Maxamed Shariif Cumar, wuxuuna Mudane Maxamed Shariif dhalinta usheegay in ay kaalintooda ciyaaraan isagoo rajeeyay in ay wax badan qaban doonaan.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay madax kala duwan sida Gudoomiyaha Xafiiska Jabhada ee Gobolka Faafan, Gudoomiyaha Xidhiidhka Gobolada ee JWXO iyo madax kale kuwaas oo dhamaantood dhalinta kubooriyay in ay door wayn kaqaataan howlaha halgan ee socda.

Gabagabadii waxaa si qurux badan kusoo dhamaaday kulankii xubnaha Ururka OYSU ee magaalada Jigjiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay