Waxaa degmada Shaygoosh ee gobolka Qorahay si rasmi ah looga furay xafiiskii Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadeniya JWXO.

Xafiiskan jabhadda ee laga furay ayaa waxaa goob joog u ahaa masuuliyiin iyo kaadirka Jabhada oo ay kamid ahaayeen Halgame Nuur Maxamed Fatule iyo Halgame Liban Miyir.

Dhanka kale waxaa xafiiska hortiisa la sudhay calanka quruxda badan ee dalka Ogadeniya, waxaana calanka wada sudhay birta dheer Nuur Faatule iyo Liban Miyir.

Guud ahaan bulshada iyo Xubnaha ururka ONLF ayaa si aad ah ugu riyaaqay in maanta xafiiskii jabhada laga furay magaalada Shaygoosh iyo in calanka Ogadeniya uu ka babado badhtamaha Shaygoosh.

Halgame Nuur Mohamed Faatule oo shacabka shaygoosh kula hadlay barxada hore ee xafiiskan cusub ee jwxo ayaa shacabka uga mahad celiyay ka sooqaybgalka furitaanka xafiiska iyo inay maanta arkaan calankoodi oo ka babanhaya dushooda.

Halgame Nuur ayaa hadalka ku soo gabagabeeyay inay Jabhadu degmo ilaa tuulo walba oo dalkeena ah ka furayso xafiisyadeedi oo sharci ah lagana wada sudhi doono calanka dalkeena Ogadeniya.

Guul iyo Gobonimo.
ONA/Shaygoosh.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay