Maanta oo Axad ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 12/5/19 waxaa magaalada Jigjiga kaqabsoomay kulan taariikhi ah oo looqabtay Aqoonyahanka S.ogadenia ee kudhaqan Magaalada Jigjiga.

Kulankan oo ay sooqaban qaabiyeen Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) ayaa ka dhacay Xafiiska JWXO ee magaalada Jigjiga.

Shirkan oo ahaa mid ahmiyad gaar ah lahaa ayaa lagu Marti qaaday madaxda katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) waxaana kulanka sooxaadiray ilaa 6 xubnood oo katirsan Golaha Dhexe ee JWXO.

Ugu horaynba waxaa kulanka khudbad mug leh kufuray Gudoomiyaha OYSU ee Ogadenia mudane Cumar Sh Cabdulaahi (Cumar Sooya).

Sidoo kale waxaa kalmado dhaxal gal ah Aqoonyahanka usoo jeediyay qaar kamid ah Madaxdii JWXO ee kulanka kasoo qayb galay, waxayna dhalinta iyo Aqoonyahanka kubooriyeen in ay kaalintooda ciyaaraan.

Intaas kadib Aqoonyahanka ayaa loo ogolaaday in ay madaxda JWXO waydiiyaan su’aalaha ay tabayaan waxaana madaxda lawaydiiyay su’aalo aad ubadan.

Madaxda JWXO ayaa dhankooda si mug iyo miisaan leh uga jawaabay su’aalihii lawaydiiyay kuwaas oo dhinacyo kala duwan laga waydiiyay.

Gabagabadii kulankii dhex maray madaxda JWXO iyo Aqoonyahanka wadanka ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan iyadoo lagu balamay in laqaban doono kulamo kan lamid ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay