Waxaa guud ahaanba wadanka Ogadenia si xowli ah uga socda furitaanka xafiisyada Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo mudo dheer xidhnaa.

Wafti balaadhan oo kasocday Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle ayaa galabta oo Arbaco ahayd gaadhay Dagmada Abaaqorow ee Gobolka Shabeelle, halkaas oo ay kataageen Calankii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Waftigan oo kakoobnaa Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle Mudane Cabdulaahi Fujur iyo Hogaanka Arimaha Ururka ee Gobolka Shabeelle Halgame Maxamed Garaad ayaa galabta daah-furay Xafiiska JWXO ee Dagmada Abaaqorow, kaas oo kamid noqon doona Xafiisyada badan ee wadanka Ogadenia kajira.

Waftiga JWXO ee Gobolka Shabeelle ayaa kutala jira in ay furaan xafiisyo kale oo cusub iyagoo sidoo kalana wada abaabul aad ubalaadhan.

Dhanka kale waxaa Gobolada wadanka Ogadenia kasocda diyaar garaw iyo abaabul lixaad leh oo ay wadaan madaxda iyo Kaadirka JWXO oo isku duuban, taas oo looga gol leeyahay gaadhsiinta hamiga shacabka Soomaalida Ogadenia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay