Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaadhka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland deeq raashin ah lagu siiyay Agoon badan oo kamid ah Agoonta reer Ogadenia ee kudhaqan Magaalada Kismaayo.

Raashinkan oo isugu jiray Sonkor, Bariis, Baasto iyo Saliid waxaa Agoonta reer Ogadenia kusadaqaystay Hay’ad khayri ah oo kadiiwaan gashan wadanka Turkey.

Hay’adan oo fadhigeedu yahay magaaladii caasimada ah ee Muqdisho ayaa deeqdan raashinka ah ugu talagashay in ay ku afuraan qaysaska Agoonta ah ee reer Ogadenia ee magaalada Kismaayo kudhaqan, waxayna maanta ka farxiyeen qaysas badan oo Agoon ah.

Agoonta udhalatay wadanka Ogadenia ayaa daadsan guud ahaanba dunida gaar ahaan wadamada Geeska Africa, kuwaas oo ubaahan gacan qabasho balaadhan si ay uga sookabtaan diiftii ay soomareen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay