Maamulka Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee Gobolka Doollo ayaa Dagmada Wardheer ka bilaabay siminaar lagu dhisayo wacyiga xubnaha JWXO ee Gobolka Doollo.

Siminaarkan oo dhalinta lagu barayo hogaaminta iyo howlaha maamulka ayaa socon doona baryaha soosocda waxaana lagu wadaa in ay ka aflaxaan dhalinyaro u heelan qabashada howlada halgan ee Gobolka kasocda.

Maamulka Gobolka Doollo ee Xafiiska Jabhada oo Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA) lahadlay ayaa sheegay in ay qorshaynayaan xubno kale oo ka faa’iidaysta koorso Halgameedka Allifle oo ah mid ay ka aflaxeen inta badan howl-wadeenka JWXO ee dacalada dunida.

Siminaarkan iyo wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay