Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Hambalyo udiray guud ahaan muslimiinta kudhaqan dacalada dunida gaar ahaan shacabka Soomaalida Ogadenia.

Gudoomiyaha oo maanta la hadlay saxaafada Afka Jabhada kuhadasha ayaa shacabka Soomaalida Ogadenia urajeeyay bashbash iyo barwaaqo, iyo in ay ciidan Ciida xigta kugaadhaan nabad galiyo.

Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa bulshada Soomaaliyeed ee Ogadenia kudhaqan ugu baaqay in ay joojiyaan xurgufaha dhexdooda ah, isagoo sheegay in ay utaalo howlo waawayn oo in loomidoobo ubaahan.

Gudoomiyaha ayaa hambalyo udiray Ciidanka JWXO iyo shacabka madaalaha ah ee kudhaqan gudaha iyo dibada wadanka Ogadenia, kuwaas oo usoo adkaystay dhibaatooyin lixaad leh.

Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa ugu dambayn uduceeyay dadka iyo dalka Ogadenia isagoo urajeeyay xoriyad Soo dag dagta Idam Alla.

ONA Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay