Waxaa goor dhaw oo galabta ah si guul ah kusoo idlaaday kulan dhex maray Xoghayaha Guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo Gudiga Fulinta ee Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO).

Kulankan oo kadhacay xarunta Dulqabow ee magaalada Jigjiga ayaa lagu gorfeeyay howlaha halgan ee kasocda gudaha iyo Dibada dalka Ogadenia, waxuuna Xoghayuhu siwayn uga warqaatay Gudiga Fulinta ee Ururka UCSO.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa xubnaha dalada Culimada kasocday uga warbixiyay xaalada guud iyo socdaalkiisii udambeeyay ee Yurub iyo Addis Ababa.

Intaas kadib xubnaha Dalada Culimada ayaa Xoghayaha kala hadlay qorshayaashooda cusub ee ay doonayaan in ay dhaqaajiyaan iyo socdaalo ay dhawaan kutagi doonaan Gobolada iyo Dagmooyinka dalka.

Xoghayaha Guud ee JWXO mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi ayaa dhankiisa Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) kubogaadiyay kaalinta dahabiga ah ee ay bulshada kaga jiraan, isagoo kubooriyay in ay horay usii socdaan.

Gabagabadii kulankii dhex maray Xoghayaha Guud ee JWXO Halgame Maaday iyo Xubnaha Gudiga Fulinta ee Dalada Culimada ayaa kusoo dhamaaday is afgarad waxaana lagu balamay hadal yar iyo howl badan.

ONA Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay