Wararka nagasoo gaadhaya Magaalada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo ayaa sheegaya qalalaase xoogan oo halkaas kataagan, iyo dhibaato lixaad leh oo loogaystay dadka shacabka ah ee Magaalada Wardheer kusugan.

Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA) ujooga magaalada Wardheer ayaa sheegaya in ciidanka Layuugu ay weerar kuqaadeen Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee Gobolka Doollo, halkaas oo ay qafaasheen 7 kamid ah maamulka Unugta JWXO ee Gobolka Doollo.

Sidoo kale ciidanka Layuuga ee Gobolka Doollo ayaa dajiyay Calankii Jabhada isla markaana jeex jeexay, waxaana lasheegayaa in ay aad ubahdileen dhalinyaradii joogtay Xafiiska JWXO ee Gobolka Doollo.

Dhalinta kashaqaynaysay Xafiiska JWXO ee lagu Xidhxidhay magaalada Wardheer waxaa kamid ah.

1 Cabdinaasir Xaashi (Cagalaab)
2 Maxamed Bacaluul (Gaashaan)
3 Deeq Ceelaabe
4 C/risaaq Ibraahim Mire
5 Maxamed Cismaan (RRA)
6 Lade Cali Cabdi Salaad
7 Fadxi Sh Ibraahim Sh Muuse
8 C/rashiid Ibraahim Dheeredheere oo isagu Koomo kujira.

Dhinaca kale ciidanka Layuuga oo Amar kahaysta maamulka Gobolka ayaa xabsiga dhigay 12 kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Doollo waxaana kamid ah.
1 Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Duulane Suldaan Rafle
2 Maxamed Duulane Daahir
3 Nasteex Xirsi Axmed
4 Siciid Jahaad Qorane
5 C/risaaq Xuseen Mire
6 C/qani Gaarane Guuleed
7 Shugri Nuur
8 C/lahi Cabdi Cumar
9 Mukhtaar Badal Maxamed
10 C/lahi Sh Mahdi
11 Maxamed Liibaan
12 C/risaaq Sarhaye.

Sidoo kale waxaa xabsiga Gobolka iyo ka Dagmada ladhigay dad shacab ah oo 80 kor udhaafaya kuwaas oo sida lasheegayo loogaystay dhibaatooyin kala duwan.

Lama garanayo sababta keentay in ciidanka Layuuga iyo maamulka Gobolka Doollo oo wada jira ay uweerareen Xafiiska JWXO ee Gobolka Doollo, Isla markaana ay bahdilaada iyo kutumashada ugu sameeyeen dhalinta kashaqaysa Xafiiska Jabhada ee Gobolka Doollo.

Sidoo kale lama oga sababta ay Xukuumada deegaanku u xalin la’dahay tabashada shacabka kudhaqan Gobolka Doollo, kuwaas oo mudo dheer kacabanaya Xukuumada deegaanka.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay