Waxaa xabsiga magaalada Wardheer kujira Cabdinaasir Xaashi (Cagalaab) oo mudo aad udheer lanoolaa xanuunka Sonkorta (Macaanka).

Cabdinaasir wuxuu kamid ahaa xubnihii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee saaka lagu weeraray Xafiiska Jabhada ee Gobolka Doollo, halkaas oo howlo shaqo uu ujoogay.

Cabdinaasir oo yaraantiisii uu haleelay xanuunka Macaanka ayaa kamid ah dadka ay Bini’aadamku ixtiraamaan ama ay ka ilaaliyaan xanaaqa, wuxuuna Cabdinaasir xanuunsadaa xiliyada uu dareenkiisu kaco.

Majiro wax ixtiraam ah oo ay sameeyeen ciidankii Cabdinaasir iyo saaxiibadiis kaxeeyay waxayna isugu dareen handadaad iyo hanjabaad, Mana jiro cid maamulka Gobolka Doollo katirsan oo ka hadashay xadhiga xaq darada ah ee Cabdinaasir iyo saaxiibadiis loogaystay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay