Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulan dhex maray Madaxda Ururrka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) iyo Culimada Soomaaliyeed ee magaalada Jigjiga.

Kulankan oo kubilowday kala warqaadasho iyo isbarasho ayaa lagu gorfeeyay arimo dhowr ah waxayna dhamaan qodobadii laga dooday culimadu ka noqdeen isku aragti.

Culimada ayaa siwayn isula eegay sidii dhinaca wanaagsan bulshada diinta iyo dhaqankaba laga haleey loogu dhaqaajin lahaa iyo sidii jiil nadiif ah oo dadka anfaca loosoo saari lahaa.

Sidoo kale Culimada kudhaqan magaalada Jigjiga ayaa sheegay in ay taageero buuxda ufidinayaan halganka mudada dheer socday ee ladoonayo in lagu xaqiijiyo rabibaanka shacabka Soomaalida Ogadenia.

Culimada ayaa sidoo kale Isla eegay sidii loo dhex dhexaadin lahaa Shacabka Soomaalida Ogadenia ee la isku mashquuliyay, kuwaas oo isku haysta tuulooyin iyo deegaano ay wada daaqi karaan.

Gabagabadii kulankii dhex maray Madaxda Ururrka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) iyo qaar kamid ah Culimada magaalada Jigjiga ayaa kusoo dhamaaday guul iyo jawi qurux badan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay