Hay’ada daryeelka Naafada iyo Agoonta Ogadenia ayaa deeq raashin ah uqaybisay danyarta iyo Agoonta Ogadenia ee kudhaqan xerada qoxootiga Xagardheere ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya.

Deeqdan raashinka ah oo ay soo uruuriyeen Gudiga Masaajidka Al-furqaan ee galbeedka magaalada London ee wadanka UK, ayaa lagu wareejiyay Hay’ada daryeelka Naafada iyo Agoonta Ogadenia ee fadhigeedu yahay wadanka Kenya.

Deeqdan raashinka ah oo ahayd Zakaatul Fidri ay labaxeen muslimiinta Magaalada London ayaa maanta lagaadhsiiyay danyar iyo agoon aad ubadan oo kunool xerada qoxootiga Xagardheere ee Deegaanka Faafi.

Dadka danyarta ah iyo Agoonta ree Ogadenia ee deeqdan ka faa’iidaystay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin mucaawinada lasoo gaadhsiiyay waxayna aad ugu duceeyeen dadkii labaxay iyo dadkii kasoo qaaday labadaba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay