Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) laantiisa Jigjiga ayaa maanta oo Axad ahayd Agoonta iyo Danyarta Ogadenia uqaybiyay raashin tabarucaad ah.

Dhalinta OYSU ee magaalada Jigjiga ayaa isu xilqaamay sidii ay uga farxin lahaayeen Danyarta reer Ogadenia ee kudhaqan Magaalada Jigjiga, waxayna maanta gaadhsiiyeen deeq raashin ah.

Dhalinta OYSU ayaa raashinkan masoo uruuriyay dadka wax haysta ee magaalada kudhaqan, waxayna isu xilqaameen in ay caawiyaan dadka baahan.

Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) ayaa utaagan gacan qabashada dadka tabaalaysan ee Ogadenia kudhaqan, wuxuuna Ururku in badan caawiyay Danyarta iyo Agoonta Ogadenia kudhaqan.

ONA Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay