Waxaa si guul ah kudhamaaday kulan magaalada Dirdhabe ku dhexmaray madax kasocotay Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) iyo dhalinta Magaalada Dirdhabe.

Wafiga OYSU oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha OYSU ee Ogadenia Mudane Cumar Sh Cabdulaahi (Cumar Sooya) ayaa maalin nimadii shalay ahayd gaadhay magaalada Dirdhabe halkaas oo ay kormeer howleed kugaadheen.

Mudane Cumar Sooya iyo wafiga uu hogaaminayo ayaa shirar uqabtay dhalinta OYSU ee magaalada Dirdhabe iyo dhalinta Jaamacadaha ee magaalada, waxayna kala hadleen arimo dhowr ah oo dhamaantood anfacaya dadka iyo dalka.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa kudhamaaday si guul ah waxayna dhalintu ku sameeyeen shaqo qaybsi.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay