Waxaa sinabad ah Dagmada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo kugaadhay Waftigii kasocday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Waftigan oo kasoo kicitimay magaalada Jigjiga ayaa kusoo hakaday magaalada Qabridahare, halkaas oo saaka subixii ay kasoo baxeen.

Dadka Shacabka ah ee magaalada Wardheer kudhaqan ayaa waftiga JWXO kusoo dhaweeyay Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee magaalada Wardheer, waxayna shacabku muujiyeen farxada iyo kalsoonida ay uhayaan madaxda JWXO.

Waftiga JWXO ee gaadhay Gobolka Doollo ayaa durba bilaabi doona kulamo ay layeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxayna waftigu indha indhayn doonaan xaalada Magaalada iyo dadkii uu dhibku dhawaan soogaadhay.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay