Waftigii kasocday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kusugnaa Dagmada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo ayaa lakulmay Odayaasha Dhaqanka ee Bariga Gobolka Doollo.

Madaxda JWXO ee booqashada kujooga Magaalada Wardheer ayaa goobta ay magaalada kadagan yihiin kubooqday salaadiinta Beelwaynta Dhulbahante, kuwaas oo howlo ujoogay Magaalada Wardheer.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay in ay usocdeen salaan iyo iswaraysi waxayna Waftigu salaadiinta ugudbiyeen salaan iyagoo wakiil ka ah madaxda kala duwan ee JWXO.

Sidoo kale madaxda JWXO ayaa Odayaasha xog waraystay waxayna kawada hadleen arimo muhiim ah oo dan u ah dalka iyo dadka oo ubaahan in marxaladan laga gudbiyo.

Dhinaca kale waxaa si Kal iyo laab ah salaanta ugudoomay Odayaasha kulanka fadhiday oo ay kujireen kuwo magac iyo maamuus kuleh dhulka Soomaalida. Sidoo kale Odayaasha ayaa Madaxda JWXO kucasuunay deegaanada ay kasoo jeedaan.

Madaxda JWXO ee kulanka fadhiyay ayaa dhankooda siwayn usoo dhaweeyay kulanka ay laqaateen Salaadiinta iyagoo sheegay in ay yeelan doonaan kulamo intan kabadan.

Waftiga JWXO ayaa kulamo kale lagali doona qaybaha kale ee bulshada baryaha soosocda hadii Alle Idmo.

Tuuladiid.
ONA Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay