Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee Gobolka Erar ayaa socdaal kutagay Tuulooyinka hoos yimaada Dagmada Yaxoob ee Gobolka Erar.

Waftigan oo ka amba baxay Magaalada Jigjiga ayaa howlo muhiim ah ka qabtay Gobolka Erar, waxayna waftigu lakulmeen dadka shacabka ah ee kudhaqan qaybo kamid ah Gobolka Erar.

Dadka Shacabka ah ee waftigu ay lakulmeen ayaa muujiyay rabitaanka iyo xiisaha ay uqabaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo in badan dartood dhiiga usoo daadisay.

Wax garadka kudhaqan Tuulooyinka hoos yimaada Dagmada Yaxoob ayaa sheegay in uu jiro cadaadis ay shacabka saaraan xubnaha Xisbigu, balse waxay wax garadku sheegeen in rabitaankooda aan raashin labixiyo iyo handadaad lagaga weecin karin.

Xubnaha kasocda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa gaadhi doona deegaanada kala duwan ee Gobolku uu kakooban yahay waxayna shacabka ugudbinayaan fariinta JWXO ee ah isku duubni iyo walaaltinimo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay