Jaaliyada Ogadenia ee wadanka Canada  ka howlgasha ayaa  waxaa maal mahan laga dareemayaa  dhaq-dhaqaaq  xoogan oo ku saabsan sidii kor loogu qaadilahaa tirada iyo tayada Jaaliyada  Ogadenia ee wadankaasi Canada.

Wadanka  Canada oo horay u ahaan jiraya  wadamada uu saldhigtay Halganka gobanimadoonka Somaalida Ogadenia ayaa waxaa jiray in sanadihii la soo dhaafay laga badiyay tartankii  abaabulka halganka aayo katalinta shacabka Somaalida Ogadenia.

Canada waxay kamid tahay  wadamada ay ku noolyihiin aqoonyahanka ugu tirada  badan ee ka soo jeeda Ogadenia.Hadaba  waxaa maanta  shir lagu qabtay xafiiska jaaliyada Ogadenia ee  magaalada Edmonton, shir kaasi uu soo qaban qaabiyay  Isku duwaha  Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenia  ee Wadanka Canada Mudane Abdi Hirsi, shirkan ooy ka  soo qayb galeen masuuliyiin kamid ah golaha dhexe ee JWXO,Maamulka Jaaliyada iyo aqoony meeqaan sare ku dhaxleh Halganka Ogadenia  kana mid ahaayeen,

PHD:Mahmoud Ugaas iyo Mr:Ahmed Yaasin ayaa lagaga dooday  qodobo dhowr ah sida qorshaha guud ee xaalada geeska africa  gaar ahaan shacabka Soomaalida Ogadenia,JWXO, Somali State,iyo abaabulka Jaaliyada Ogadenia  ee wadanka Canada.

Shirkan oo saacada  qaatay uuna  shir godoominayay  Isku duwaha  JWXO ee Wadanka Canada Mudane  Abdi Hirsi ayaa  waxaa  hoosta  laga xariiqay , qodobo dhaxal gal ah oo lagu taaba galinaya  Masiirka  Shacabka Ogadenia, Shirkan ayaa  ku soo dhamaaday guul iyo jawi farxadeed.

ONA:Canada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay