Xoghayaha guud ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya mudane C/raxmaan sheekh Mahadi ayaa maanta shirkii bilaha ahaa ee jaaliyada magaalada Edmonton Alberta ,Canada kaga qayb galay dhinaca isgaarsiinta taleefanka .Wuxuuna xubnihii kaadar ee halkaa isugu yimid siiyey warbixin aad u qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysay,waxaa kale uu gaadhsiiyey fariintii JWXO ee ku saab- sanay isbedelka iyo waqtiga kala guurka ee ay JWXO u gudubtay xisbi siyaasi ah oo ka hawlgalaya gudaha ogaadeeniya.


Warbixintaa kadib wuxuu ku dhiirigaliyey xubnihii halkaa isugu yimid in ay ka qayb qaataan abaabulka iyo midaynta shacabka soomaaliyeed ee deegaanka Lana xoojiyo midnimada iyo wax wada qabsiga umadaa mudada dheer dhibaatada la soo daalaco dhacaysay.

Waxaa  kale oo shirka maanta ka qeybgalay Masuuliyiin kamid ah golaha dhexe  ee Jabwada Xoreynta Ogadenia iyo Mudane PHD:Mahamoud Ugaas  oo halkaasi xubnaha kula wadaagay xaalada dhabta ah ee ka jirta  geeska  africa  iyo sida  maanta loogu baahan yahay in shacabka Somalida Ogadenia uga faa’iideystaan.
Shirka wuxuu kusoo dhamaaday guul.

  

C/raxmaan sheekh.

ONA,

Canada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay