Waxaa Magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay kaqabsoontay xaflad aad ubalaadhan oo looqabtay arday kaqalin jabisay koorsada Allifle.

Xafladan oo ahayd mid heer sare ah waxaa kasoo qayb galay madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO), Maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Qoraxay, Maamulka Xafiiska Jabhada ee Dagmada Qabridahare iyo dadwayne aad utiro badan.

Xafladan oo ahayd mid lagu maamuusayay arday aad ubadan oo kaqalin jabisay Koorso Halgameedka Allifle ee lagu barto Taariikhda iyo xeerarka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa siwayn loogu maamuusay Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay.

Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Halgame Cadaani Hirmooge oo Xaflada kasoo qayb galay ayaa dhalinta qalin jabinaysay kubooray in ay dadkooda iyo dalkooda uga faa’iideeyaan wixii ay barteen.

Afhayeenka ayaa sidoo kale dhalinta usheegay in lagaadhay xiligii ay Hogaanka umada uqaban lahaayeen, wuxuuna Halgame Cadaani sheegay in dhalintu ay yihiin tiir dhexaadka halganka.

Dhinaca kale mudane Cadaani ayaa xubnaha JWXO ee ree Qabridahare ku amaanay doorka hogaamineed ee ay kulahaayeen halganka isagoo xusay in Xafiiskii ugu horeeyay ee JWXO laga furay Qabridahare sanadkii 1991, sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in ciidankii JWXO ee ugu horeeyay laga aas’aasay magaalada Qabridahare.

Dhinaca kale waxaa Xaflada ka hadlay dad aad ubadan oo dhamaantood soodhaweeyay ardayda tirada badan ee markii ugu horaysay gudaha Ogadenia ku qaadatay koorsada Allifle mudo kabadan 30 sano.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay