Waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee Deegaanka Dhadhaab kaqabsoomay kulankii caadiga ahaa ee Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO).

Kulankan oo ahaa mid muhiimad gaar ah lahaa ayaa kaqabsoomay guriga umada ee lagu magacaabo Allifle, kaas oo dhaca badhtamaha xerada qoxootiga Dhagaxlay.

Xubnaha Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) ee kusugan Dhagaxlay ayaa kulankan kaga dooday dhowr qodob oo muhiim u ah halganka xaqa ah ee shacabka Soomaalida Ogadenia ay ugu jiraan xaqiijinta hamigooda.

Xubnaha Culimada ayaa sidoo kale ka hadlay sidii ay u akhrin lahaayeen qur’aanka kariimka ah oo si joogta ah looga akhriyo xarumaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee dacalada dunida.

Gabagabadii xubnaha kasoo qayb galay shirka Ururka UCSO ayaa Isla qaatay in ay sare uqaadaan kaalinta muhiimka ah ee culimadu ay kuleeyihiin bulshada Soomaalida Ogadenia dhexdeeda.

ONA.

Uru

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay