Waxaa magalada Garissa Ee xarunta Gobolka Waqooyi bari ee dalka kenya shir kuyeeshay Faraca  jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee Magaalada Gaarisa.

Shirka oo ahaa mid sifiican loosoo agaasimay ayaa waxaa furay gudomiyaha faraca sheekh khadar cusmaan waxaana wacdi dini ah oo meela badan taaban haya soojeediyay Sheekh mohamed baruud wacdi.

kadib waxa warbixin dher oo meelabadan tabanhaysa soojediyay gudomiyaha faraca sheek khadar waxuuna dhalinyarada kula dardaarmay in dagaalka lasii labajibaaro gacmahana lays qabsado si Wakhtigan kala-guurka ah looga gudbo.

Sidookale waxaa warbixin Kusaabsan Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenya OYSU iyo shirweynaha Ururka OYSU Ee Bisha sagaalad dhacahaya laga dhagestay Alisamir OYSU oo ah xubin katirsan Ururka oysu faraca garissa.

gabagabadii shirka waxa la dhagestay afkaarta iyo talooyinka xubnaha shirka kasooqayb-galay wuxuuna kusoo dhamaaday guuul, gobonimo iyo in shaqada halganka lasii laba Jibaaro.

ONA/Garisa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay