Waxaa goordhaw oo maanta ah soo gabagaboobay fadhigii Baarlamaanka Itoobiya oo maanta ahmiyad gaar ah lahaa.

Fadhiga maanta oo uu fadhiyay Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa si rasmi ah loogu casuumay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO), waxaana fadhiga ka qayb galay Hogaanka Arimaha Siyaasada Iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO Mudane Xassan Muxumed Ow-macalim.

Kulankan oo mudo laga dhursugayay waxaa khudbad kusaabsan sanad miizaaniyeedka Itoobiya kasoo jeediyay Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, wuxuuna Abiye Axmed sheegay in ay dajiyeen Miizaaniyadii sanadka 2012 ee tirsiga Itoobiya.

Xunbaha Baarlamaanka iyo Ururada Mucaaradka ah ayaa Abiye Axmed waydiiyay su’aalo aad ubadan oo kusaabsan miizaaniyada ay xukuumadu sooban dhigtay, waxaana su’aalaha kawada jawaabay Raysal-wasaaraha.

Kulanka fadhiga Baarlamaanka Itoobiya oo mudo lasugayay ayaa kusoo dhamaaday si nabad ah, wuxuuna kulanku ahaa mid mucaarad iyo muxaafidba ay u dhanaayeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay