Waxaa hada magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan kafurmay tababar lagu kobcinayo tayada howlwadeenka Hogaanka Warfaafinta JWXO.

Tababarkan oo ah mid wax wayn kabadali doona baahida ay bulshada Soomaalida Ogadenia uqabto warar lagu kalsoonyahay ayaa saaka laga furay Xafiiska Warfaafinta JWXO ee kuyaala magaalada Jigjiga, waxaana tababarka xadhiga kajaray Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee JWXO ahna Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Axmed Yaasiin Sh Ibraahim.

Halgame Axmed Yaasiin oo ah nin aqoon durugsan uleh saxaafada ayaa dhalinta siiyay talooyin wax ku’ool ah, wuxuuna Halgame Axmed Yaasiin rajo fiican kamuujiyay in goordhaw ladabooli doono baahida ay bulshadu uqabto warar sugan.

Siminaarkan oo mudo 7 aad ah socon doona waxaa ka faa’iidaysanaya dhalinyaro badan oo u heelan in ay wax wayn kabadalaan sadaafada kuhadasha Afka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Tababarkan oo ay bixinayaan macalimiin kuxeel dheer Arimaha Saxaafada oo uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Xirsi Cali ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee xubnaha Hogaanka Warfaafinta JWXO loogu qabto gudaha Wadanka Ogadenia.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay