Waxaa maalintii labaad galay Tababarkii ay mas’uuliyiinta Hogaanka Warfaafintu siinayeen qaar kamid ah howlwadeenka Hogaanka Warfaafinta JWXO.

Tababarkan oo ah mid dhalinta saxaafada Jabhada kashaqaysa lagu korinayo tayadooda warfaafineed ayaa maalintii labaad kasocda Xafiiska Hogaanka Warfaafinta JWXO ee magaalada Jigjiga.

Dhalinyaro badan oo u heelan in ay wax kaqabtaan baahida saxaafadeed ee kajirta Ogadenia ayaa kafaa’iidaystay tababarkan waxaana lagu wadaa in ay si dhakhso ah bulshada ugu adeegaan.

Siminaarkan ayaa ahaa mid ay ka qayb qaateen qaar kamid ah madaxda sarsare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO), kuwaas oo dhalinka kubooriyay in ay bulshadooda uga faa’iideeyaan wixii ay barteen.

Tababarkan oo baryaha soosocda lasoo afmeeri doono wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay