Qaybta sirdoonka

Qoraalkii 3aad waxaan ugu talagalnay in aan ku soo gunaanadno taxanahan hasa ahaatee markay akhiristayaashii ku taxnaa sheekada codsadeen in aan soo bandhigno malafaad noo qarsoonaa ayaan anagoo tixigalineena dalabka akhristayaasha sharafta leh iyo bulshada reer Ogadeniya say u bartaan qorshaha cadawgooda ayaan go’aansanay in aan soo qorno qeeba kale oo muhiim ah xasaasina ah, laakiin waxaan ka cudurdaaraneynaa in aanan qoralada qaarkood soo bandhigi karin waqtiga hadda la marayo asbaabo la xidhiidha xubnaha qaarkood oo weli hawlgal ku maqan.

Inkasta aan soo afjarnay wada shaqayntii ay naga dalbanayeen sirdoonkii Ethiopian-ka hadana halkaas kagama aanan tagin xogaha iyo siraha aan soo urursananay.

Dadkii aanu iska baranay aduunka jawaasiista (secret world) iyo kuwa la shaqaystaba waxaa ku jira kuwa qarintoodu ay dhibaato ku tahay xiskayga iyo caafimaadkaygaba balse dano halgan uu qasab igaga dhigay inaan qariyo. Hadaba markii aanu ku kala tagnay, wada hadalkii khayamada ahaa waxaa la malaysan karay in ayna qolana qolada kale kahadhin oo hoos laysugu foofo ama qarsoodi la’isu raadqaado. Hadii markii hore aanu ku guulaysanay rajadayadu waxay noqotay in aanu markaleetana guulaysan karno, waxaanuna guntiga u xidhanay in aanaan waayin cid kamid ah iyaga iyo inaan ka feejignaano rogaalcelis aargoosi ah oo dhankooda ka yimaada.

Markan waxaanu shiishka ku haynay bal jawaasiistii halkay ku danbeeyaan (qormo gaar ah baynu kaga hadli doonaa inshallah) aakhirka maadama ay fashilmeen ,iyo inaan daraasayno macluumadkii aanu ka soo tuujinay jawaasiista ee ku aadanaa habka nabadsugida Ethiopia ay u shaqeeyaan.

Fahankii aanu qaadanay wuxuu ahaa in jawaasiista Somalida ahi aad uga badalan-yihiin kuwa qoomiyadaha kale. Jaajuuska Somaliga ah waxaa lagula dhamaa cabsigalin iyo jujuub waxaana wax lagu siiyaa akhbaarta uu keeno iyo qiimaheeda. Jaajuuska Somaliga ah waxaa lagu dhahaa hadii meel loo dirayo walaala-dadaadii shiftada ahaa waad ogtahaye war ka keen mana jirto shaqo la yaqaano oo uu hayaa. Jaajuuska qoomiyada kale ka soojeeda waxaa lagu adeegsadaa nidaam caadifad wadaniyadeed ku dhisan. Waxaa loo sheegaa inuu ka tirsanyahay sirdoonka qaranka, waxaana marka ladirayo lagu dhahaa waxaad la dagaalamaysaa cadawga dalkaaga hooyo, meesha Somaliga aan marna loo sheegin dal iyo wadaniyad wax ku saabsan toona.

Waxaa kale ooy ku kala badalan yihiin in wararka ay keenaan jawaasiista Somalida ahi aan looga baahnayn inay keenaan cadaymo rumeeya waxa ay sheegayaan, meesha kuwa qoomiyadaha kale loo sheego inay warbixintoodu ku salaysnaato xaqiiqooyin muuqda oo xeer-ilaaliye la hordhigi karo.

Midkamid ah qarsoonayasha Ethiopia ee Somalida ah ayaa yidhi; “wixii naloo diro waanu soo helnaa”.

Tusaale ahaan hadii loo diro ONLF xubnaheeda Jigjiga soo qora magacyadooda waxay qoraan tiro dad ah wayna ka soconaysaa maadaama aan cadayn looga baahnayn. Wuxuu ka sheekeeyay 3 jeeroo uu makhraati ku noqday dad uuna waligii arag oo loo haystay inay ONLF yihiin, balse lagu amray inuu maxkamada ka sheego inuu yaqaanay muddo dheer kana sheekeeyo wixii ay qaban jireen sidaana lagu xukumay.

Dhinaca kale mustaqbalka fog ee jawaasiistu way kala badalan yihiin. Ka Somaliga ahi hadii loo bogi waayo ama laga shakiyo wuxuu mutaystaa xadhig meesha ka qoomiyadaha kaleeto ka soo jeeda ay mudanayaan dil qudhgooya ah. Sababta markaan weydiinay wuxuu yidhi; looma naxariisanyee kuwan Somalida ah wax sir ahoo ay ogyihiin ayaan jirin, meesha qoomiyadaha kale ay gsoon yihiin sirta sirdoonka Itobiya.

Malmahaan ku dhex jirnay arimahan waxay noo ahaayeen kuwo mucjiso ah. Saaxiibkay ayaa aad ula yaabay sidaan isu-daad raacinayay wuxuuna igula kaftamay “La soco kama dhaaran doontid in aadan waligaa jaajuus Ethiopia an ah aadan lashaqaynin” .

Arimaha aan sida aadka ah u danaynay wuxuu ahaa qorshaha ku wajahnaa qurba joogta ee lagu kala fur-furayay jaaliyaadka.

Raga waxad odhan ayaad ogtahay laakin waxay ku dhihi ma ogid!

Waxay ahayd arintan aan soo sahminay hayaanka dheer ee sirdoonka Ethiopia ay ooga dan lahaayeen inay ku kala furfuraan jaaliyadaha. Hawl-galkan wuxuu ahaa mid ugu yaraan tallaal u noqotay laamo sirdoon ah oo ku dhex beermay shabakada sirdoonka Ethiopia.

Halgame Qarsoone ayaa isku dhex arkay isagoo lafadhiya, lacuntaynaya oo laqoslaya jawaasiista xinjiro-quutada ah wuxuuna yidhi; “Mamalayn kartid culayska ay leedahay inaad qabato shaqadii aad ku caayaysay kuwii qaban jiray oo gogol iyo gaadhi kaala dhexeyso jawaasiis dhab ah. Inaad la shaqayso dad aadan daacad u ahayn oo wadnahaaga ku xabaaasho dhamaan waxyabaha kuu qarsoon”

Hadalka guntiisu waxay noqotay in xaaladani u bislaatay in loo soo tabiyo bulshada kolba inta suurtagalka ah qormadana waxaan idiinku soo bandhigi doonaa Qoraalkii ugu horeeyay ee dokuminti sir ah oo qeexaya siyaasada Ethiopia doonayso inay ku dhaqdo qurbajoogta.

Waxaad ku arki doontaan culayska ay kuhayso hawlaha jaaliyaadku ka wadaan dibadaha iyagoo qiraya in 95% dadka ka soo jeeda Ethiopia ee qurbaha kunooli cadaw u yihiin xukuumada Tigrayga

Waraqaha laga hayo way badan yahiin. Waxaa ku jira arima farabadan oo muhiim ah oo heerka ay joogaan siyaasadooda muujinaya. Anagoo soo tarjumi doona kolba qayb ka mid ah, waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybtii 1aad ee Dokumaentiyada aan faraha ku dhignay mudada aan ku jirnay hawsha diblomaasiyadda ah.

F.G. Qoraaladan ma jiro waxaan ka badalnay. Waxaa jira ereyo nagu adkaaday u helida erey Somali ah. Waxaan xooga saraynaa turjumida qodobada. Qormadan 1aad iyo kuwa xigi doonaba waxaad ka heli doontaa habka ay u fikirayaan siyaasiyiinta Itobiya iyo cabsida ay ka qabaan qurbajoogta. Waana tan;

JAMUURIYADADIMUQRAADIGA FEDARALKA EE ITOOBIYA

HANAANKA SIYAASADA QURBAJOOGTA IYO HADAFKA DAWLIGA AH

Baahida loo qabo dhisida qurba joog cabsan wadaniyada iyo siyaasada dawliga ah ee dalka.

1-    Waxaa lagama maarmaan noqotay in dhamaan xubnaha jahliyaadka qurba joogta ah ee reer Itoobiya ay ka qaybqaataan, hawlaha nabadgalyada, horumarinta iyo maamulka suuban ee dalka ka soconaya.

2-    Iyadoo laga duulayo baahida loo qabo qurba joogta ayay dawladu waxay dajisay qorshe lagu meel marinayo barmaamujka xidhiidhka qurba joogta iyo dawlada.

3-    Waxaa muhiim noo ah si aan u dhawro dhaqan galka dimuqraadiyada inaan ilaalino iso socodka qurba joogta una siino fursado ay ku booqdaan wadankoodii hooya kuna maalgashadaan. Sidookale waxay dawladu diyaarisay qorshe fududaynaya in shaqsi kasta oo haysta dhalasho wadan kale kana soo jeeda dalka Itoobiya uu xaq u leeyahay in loo tixgaliyo wadaninimadiisa dhganka wadanka uu haysto sharcigiisa iyo dalkiisa hooyaba. Qorsha haas ayaa wuxuu fursad u siinayaa qurba joogtu inay helaan wadaniyadoodii caadiga ahayd kadib markay ku soo laabtaan dalkooda hooyo.

4-    Dhanka isku xidhka qurba joogta iyo hanaanka dawliga ah waxaa u xilsaaran wasaarada Arimaha Dibada. Gudiyo gaar ah iyo waliba xubno ka yimaada Kililada.

5-    Muhiimada ugu wayn ee ku xeeran dhisida qurba joogtu waxay tahay waxaan wada ogsoonahay xaalada abni dhqaale iyo dimuqraadiyadeed ee wadankeenu kusuganyahay gaar ahaan hadaan soo qaadano waxaa jira ururo siyaasadeed oo leh dano gaara una adeega cadawga itoobiya (shacbiya). Ururadaas oo ah kuwo arxanlaawayaal ah. Waxaa kamida ururadaas , OLF, ONLF , Ginbot7, EPLM, ARDUF iyo qaarkale. Ururadaas oo aan ahayn kuwo u dhaqdhaqaaqa qaab xor ah balse ku hoos nool siyaasada hadhaaga ah ee Afewarqi ayaa waxay ka faaiidaysteen kala daadsanaanta ka jirtay isku xidhnaan laaanta qurba joogta iyo hanaanka dawladeed. Kuwaasoo qurba joogta ku kala nool dunida dacaladeeda ka dhaadhiciyay in dawladu ay wado xasuuq iyaguna ay yihiin kuwo halgamayaal ah. Arintaas waxay suurtogal ka dhigtay in 95% qurba joogta reer Itoobiya gaar ahaan kuwa qoomiyadaha , Ahmara , Somale(ogaden) , Oromo, iyo Gambela ay siiyaan ahmiyad aad u wayn ururadaas kuna taageeraan dhaqaale cod, siyaasad iyo waxkasta oo karaankooda ah. Arintaas waxay dhaawac wayn u gaysatay xidhiidhka caalamiga ah (diplomacy policy)ee u dhexeeya dawlada iyo dunida inteeda kale gaar ahaan haya’daha caalamiga ah sida ICRC , HRW, iyo haya’daha dawliga ah. Hadaba iyadoo arintaas laga duulayo ayaa dawladu waxay ahmiyad saartay inay soo noolayso xidhiidh adagna u samayso qurbajoogta iyadoo looga faaiidaysanaayo dhamaan arimahaas aan kor ku soo xusnay. Arintan dawladu waxay siinaysaa ahmiyad gooni ah iyadoo faai’dooyin horudhaca laga gaadhay. Tusaale ahaan waxaa safaro aan kala go’lahayn ku tagay dibada madaxda ugu sarsaraysa dawlada federalka iyo ku kililada.

Waxaa xusid mudan in durba uu soo ifbaxay hanaan bilaw ah oo rajo wanaagsan laga dareemi karo balse waxaan ku boorinaynaa in arintan markasta kor loo qaado, iyadoo masuuliyada ugu wayn ay saarantahay safaardaha dibdaha iyo shaqaalaha kala duwan ee hoos yimaada.

BAAHIYAHA KU HOOSDUUGAN WADIDA SHAQADA

1-    Waxaa xusid mudan in shaqo kasta oo loo baahdo in la qabto ay lakulanto caqabado farabadan iyo baahiyo joogta ah sida baahida dhaqaale, baahida xubno u carbisan dhaqaajinta hawlaha. Iyadoo arintaas laga duulayo waxay dawladu ansixisay bixinta dhaqaale loogu talo galay dhisida qurbajoogta iyadoo miisaaniyada ugu badan dawladu ay ku bixisay dhanka saxaafada si loo helo saxaafad kor u qaada sumcada siyaasada dawliga ah.

FAAIIDOOYINKA LA HIGSANAYO

WAXAA JIRA rajo wanaagsan oo ka soo muuqata dhanka isku xidhnaanta dawlada iyo jaaliyaadka, waloow ay wali jirto awood ka dhan ah siyaasada dawlada oo ka hawlgasha wadamada dibada, Waxaa ku dayasho mudan qaabka kawlkarnimada leh ee dawladu ay uga hawlgashay hanaanka dhanka saxaafada.

HADII AAN SII ADKAYNO XIDHIIDHKA DHANKA qurbajoogta iyo safaaradaha dawlada waxaa hubaal ah in aan gaadhi doono hadaf-keena kuna guulaysan karno dhisida cudud dhaqaale iyo mid nabadgalyo oo wadankeena ka hirgasha.

shaqo wanaagsan

WASAARADA ARIMAHA DIBADA

DIQIMTI 2004EA ADISS ABABA 2004waaa tariikhda gumystaha

April2012

Qormadeena danbe waxaanu ku soo bandhigyanaa dokumiinti sir ah oo ka kooban 60bog oo larabo in jawaasiista dibada loogu carbiyo habkii ay ula tacaali lahaayeen waxa ay ugu magacdareen “ Kacdoon dibadda ka soo dhoofaya oo afganbiyi doona xukuumada”

Sir-baadhayaasha ONA.

(ONA’S INVESTIGATIVE JOURNALISTs)

Qaybtii 1aad

Qaybtii 2aad

Qaybtii 3xaad

 

 

 

 

 

 

 

 
 

2 Comments

  1. Jawhar says:

    Cadawgi udhamaday daboqodhiga hana lacafiyo hana lalayo galada lararto

  2. zakariya says:

    RUn ahaantii waxay muujinaysaaa tayada iyo cududa xubnaha jwxo ha ahaaato kuwan laga cabsanayo eee jaaliayadah ah ahaato ciidanka jwxo ha ahaato sirbaadha yaaasha xogaha helay wayaanuhu wuudaalay ee ha loo dhabar adeego

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay