Xoghayaha guud ee jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenia Dr:Abdirahman Sheekh Mahamed (Madey) oo Socdaal shaqo ku maraya qaarada Norther America ayaa  maalintii shalayto sidii ran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaaha ee Magaalada  Edmonton ee caasimada  gobalka  Alberda,wadanka Canada.

Mudane Dr,Maadey Xoghaya JWXO oo ku sugnaa  Magaalada Edmonton Caasimada Gobalka Alberta wax ka yar 48 saac ayaa  waxaa uu galay,5 shir Sida Shirkii Hay’ada caalamiga ah ee Organization for the prevention Violence  (OPV),Shirka Ururka Haweenka Ogadenia, Shirkii Jaaliyada Ogadenia ee Alberta, Shirkii Aqoonyahanka iyo Odayaasha Soomaaliyeed ee Alberta iyo Ugu danben Shir aad u balaadhan ooy ka soo qeybgaleen bulshada qayba heeda kala duwan  laguna soo khatimay Socdaanka Xoghaya JWXO ee Galbeedka wadanka Canada.

Saacadahan  soo Socda ayaa waxaa  magaalada Edmobton ka bixidoona wafti uu hor kacayo Mudane Madey Xoghayaha JWXO,kuna sii jeeda magaalada Toronto  ee Bariga wadanka Canada halkaasi uu kaga qayb gali shir baladhan ooy soo qaban qaabisay  Jaaliyda Ogadenia  ee gobalka Ontario.

Shirkaasi Toronto iyo  Socdaalka Xoghayaha ONLF ee Qaarada Norther America  kala soco warar keena danbe.

ONA-Edmonton.

Sawiro.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay