Ogaden News Agency (ONA)

Somaliya iyo Itobiya – Taariikh dib isu soo majiirtay

Arimaha ka socda maalmahan Geeska Afrika gaar ahaan Somaliya iyo Itobiya aad ayay u xiisa badan yihiin, waxaadna moodaa inay la mid tahay taariikh taagtay oo dib isu soo majiirtay.

Bilowgii qarnigii 19aad ayay dawladihii Yurub markay ku guulaysteen inay jabiyaan khilaafadii Islaamka ee saldhigeedu ahaa Turkiya u soo dhaqaaqeen inay qaybsadaan Afrika. Isla waqtigaa ayay boqortooyadii Itobiya iyaduna ka soo daadagtay buuraha. Warqaduu u qoray Boqor Minilk waagaa Boqoradii Ingriiska wuxuu ku yidhi; Lagama yaabo in aan daawade ka ahaado, haday jirto fikrad ah in xoogag meela fogfog ka yimid ay doonayaan inay qaybsadaan Afrika, Itobiya oo ahayd 14kii qarni ee la soo dhaafay jasiirad Masiixi ah oo ku dhex taala bad gaalo ..  (I have no intention at all of being an indifferent spectator, if the distant Powers hold the idea of dividing up Africa, Ethiopia having been for the past fourteen centuries, an island of Christianity in a sea of pagans… —Menelik II, in a letter to Queen Victoria).

Waxaa socda duulaan lagu soo qaaday Afrika, gaar ahaan meelaha lagu tuhmayo inuu ku jiro shidaal farabadan sida Geeska Afrika. Xoogaga ku looltamaya waa reer Galbeedka oo ahaa kuwii sameystay khariidada Afrika iyagoo maslaxadooda ku salaynaya iyo xoogga qarnigan soo baxay ee Asia oo Shiinaha ay hogaaminayaan oo xambaarsan fikradihii Afrika loo gumaystay qarnigii 19aad ee ahaa – in la boobo khayraadka dabiiciga ah ee Afrika, suuq alaabta warshadaha ka soo baxay loo eeb geeyo, iyo dhul beeraad laga quudiyo balaayiinta qof ee ku nool Asia (tirada Shiinaha iyo Hindida oo kali ah waa 2.6 billion ama wax u dhigma 3ex dalool dadka ku nool caalamka).

Itobiya siduu boqor Minilk waagaa ula socday arimaha ka socda caalamka uguna sheegay inuusan daawade ka ahaanayn oo qaybtiisa la soo siiyo, ayuu boqorka cusub ee Itobiya Meles Zinawi (Meles awood u dhiganta boqor sharci qabta aanu jirin ayuu leeyahay) wuxuu muujinayaa inuu la socdo arimahaa wuxuuna dhex fadhiyaa shirarka lagaga hadlayo Somaliya isagoo doonaya in qaybtiisa laga siiyo Somaliya. Hadaad dib u milicsato taariikhda, xoogaggii ku soo duulay inay qaybsadaan dalkii Somalida waxaa ishortaagay oo la dagaalamay waagaa Sayid Maxamad Cabdille Xassan iyo ciidankiisii Daraawiish. Maqaal lagu soo qoray New York Times 10 April 1910 oy kaga warbixinayaan dagaaladii u dhexeeyay daraawiish iyo xoogagii isbahaystay ee Ingriiska, talyaaniga, iyo Itobiya waxay qortay sidan; Ciidamada uu wato Sayidka waxay gaadhayaan 70, 000 oo dhamaantood ah ciidan si fiican ugu tababaran hubka casriga ah. Wuxuu haystaa 10,000 oo fardooley ah, isagaa ayaana samaysta baaruudiisa iyo xabadihiisa. Wuxuu ka taliyaa dhul gaadhaya 50,000 square mile iyo 800,000 oo muslimiin ah oo isaga un ka amarqaata. Hadalka oo kooban, fursadaha uu haysto lama xadadi karo .. (He has 70,000 men, all of whom are either well trained to modern magazine rifle. He has 10,000 cavalry; he manufactures his own powder and bullets, and is burdened with no commissariat. Fifty-five thousand square miles containing 800,000 Mohammedans are apparently at his disposal. In a word, his possibilities are almost infinite.“…….).

New York Times April 1910.

30kii sanee la soo dhaafay Itobiya waxay xooga saartay oy ku guulaysatay inay sii kala kaxayso intii isu timid 1960kii. Sida ay qoreen saxafiyiinta Somaliya –Associated Somali Journalists –Somaliya waxaa loo qorsheeyey waxay ku tilmaameen –Balkanization- oo macnaha loo yaqaano yahay in gobol ama dawlad la sii qayb-qaybiyo. Waxay sheegeen qorshaha loo dajiyay Somaliya ee loo yaqaano (Garowe Road Map) waa in qabiil walba loo sameeyo dawlad gaar ah, oo waliba isku col ah oon lahayn istaageerse. Waxay Midowga Saxifiyiinta Somaliyeed (ASOJ) ku tilmaameen waxa laga cadhoodo oo laga yaq-yaqsado hadalada uu ku hadlay ergayga Somaliya u jooga Qaramada Midoobay Mr. Mahiga oo afbuuxa ku yidhi; Qofkii Somali ah ee isku daya inuu ka horyimaado dastuurka somaliya ee qabaliga ah waxaan u xidhayaa inuu yahay argagxiso – (Mahiga said Quote “Any Somali who tries to protest the disputed Somali Tribal Federal Constitution I will arrest him as a terrorist”.)

Maqaalka saxafiyiinta Somaliyeed

Somaliya xaaladeedii halkaasay mareysaaye Itobiya maxaa ka socda iyadana? Itobiya waa sida ukun hoosta ka qudhantay. Sidaan wada ogsoonahay Itobiya waxaa ka talin jiray koox budhcad ah oo ka wada tirsanaa ururka TPLF. Hadase xukunkii wuxuu gacanta u galay qoyska Meles and Azieb oo ah afadiisa – Halkan fiiri -  Arinta noocaa ah, Somalida horey ayay u soo tijaabisay oo waa arintii keentay buruburkii ku yimid qarankii Somaliyeed.

Kooxdan TPLF-tu waxay u alifeen Itobiya waxay ugu yeedheen Kilil oo u dhisan hab qawmiyadeed, iyagoo ku tilmaamay inay qawmiyad walba iskeed isku xukunto. Nidaamkaa federaalka ah wuxuu ku hirgali lahaa hadii qawmiyaduhu u siman yihiin dawladda Federal-ka gabi ahaan. Hasa ahaatee, waxay ka qudhuntay xaaladda markii ay kooxdaa maroorsadeen gabi ahaanba awoodii dalka gaar ahaana ay gacanta ku dhigeen ciidanka iyo booliska oo qawmiyadihii kale ay madaxa kaga qaraaceen.

Waxaad moodaa  arintii ahayd Kilil-ada iyo iska horkeenka qawmiyadaha oy ku soo caana maaleen 20sanii la soo dhaafay inay hadda soo afjarmayso, gaar ahaan intii ka dambaysay kacdoonada ka bilowday dalalka Carabta oo saameeyay gabi ahaanba caalamka. Waxay markii ugu horeysay taariikhda Itobiya ay ku dhawaaqeen wadaadada Orthodox-ka Itobiya madaxda ka ah in lagu biiro kacdoonka ay wadaan muslimiinta Itobiya. Madaxa Fadhiga Orthodox-ka Itobiya ee loo yaqaano (Ethiopian Orthodox Tewahedo Church) oo dalka masaafuris uga maqan, ayaa shirkoodii 33xaad bayaan ay ka soo saareen ugu baaqay dadka aaminsan Orthodox-ka inay taageeraan muslimiinta ku banaanbaxaya bay yidhaahdeen faragalinta sharcidarada ah ee TPLF/EPRDF ay ku hayaan diimaha.  Halkan ka akhri .

Arimahaasoo idil waxay muujinayaan inuu looltan horleh ka bilowday Geeska Afrika oo loo baahan yahay in diiradda lagu hayo isbadalada ka socda Geeska Afrika gaar ahaan Somaliya iyo Itobiya.

ONA.

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=11449

Posted by on May 15 2012. Filed under Maqaalo. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 9,063
  • Last 7 days: 56,714
  • Last 30 days: 244,528
  • Online now: 35
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com