Koorsada Aqoonkororsiga Alifle ee jwxo oo laga furay magaalada Jigjiga.

Xafiiska hogaanka Arrimaha Ururka ee JWXO ayaa magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ka furay dufcadii labaad ee Koorsada Aqoonkororsiga Alifle ee JWXO, dufcadii kowaad ayuu hogaanku ka soo bixiyay Magaalada Qabridahar ee xarunta Gobolka Qoraxay, koorsadan waxbarasho oo ah mid muhiim u ah xubnaha JWXO ayaa lagu wadaa in lawada gaadhsiiyo dhamaan Gobolada dalka Ogadeniya, waxaana qaybtii labaad nasiib uyeeshay Caasimada Jigjiga.

Ardaydan cusub ee la xareeyay oo gaadhaysa ilaa 100 Arday ayaa la bari doonaa cilmi kala duwan oo ay kamid yihiin maadooyinka Khayraadka Ogadeniya iyo Maamulka iyo Maaraynta.

Tababarkan aqooneed oo ah mid lagu dhisayo tayada iyo garaadka maskaxeed ee xubnaha jwxo ayaa waxaa macalin ka ah oo bixinaya Agaasimaha Guud ee Hogaanka Arrimaha Ururka jwxo Mudane “Liibaan Miyir Cabdi (Kulmiye)”

Xafiiska Hogaanka Arrimaha Ururka ee JWXO ayaa dadaal ugu jira sidii uu usoosaari lahaa xubno jabhaddeed oo noqda kaadir bisil oo bari majaraha halganka Ogadeniya qabta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay