Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) faraciisa Magaalada Qabridahare ayaa kulan balaadhan maanta oo Axad ah kuqabsaday magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay.

Kulankan oo kaqabsoomay Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee Magaalada Qabridahare ayaa ahaa mid loogu diyaar garoobayay sanad guurada 35aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Gudiga Ururka OYSU laantiisa Qabridahare iyo xubnaha Ururka Dhalinyarada oo isku duuban ayaa sheegay in ay siwayn uqaban doonaan sanadguurada JWXO oo in kabadan 27 sano markii koobaad lagu wado in ay si xor ah uga dhacdo gudaha Wadanka ay dhibaatooyinku lafactirsadeen ee Ogadenia.

Gabagabadii kulankii xubnaha OYSU ee magaalada Qabridahare ayaa kudhamaaday si nabad ah, waxayna xubnuhu kubalameen hadal yar iyo howl badan.

Rooda ONA.
Qabridahare.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay